Wararka naga soo gaaray degmada Warta nabadda ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Gudoomiye Laameed katirsan Waaxda Janaraal Daa’uud eee degmada Warta Nabadda.

Dilka, waxaa geystay Kooxo Bistoolado ku hubeysan, kuwaasoo qeybta sare ee jirka rasaas kala dhacay Marxuumka oo magaciisa lagu soo gaabiyay Abuukareey.

Dilka kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada amaanka, kuwaasoo sameeyay baaritaano la xiriirta sida ay wax u dhaceen, Lama soo sheegin wax dad ah oo ay gacanta ku soo dhigeen, maadaama Ragga dilka geystay ay dura goobta isaga carareen.

Meydka Marxuumka la dilay, ayaa la geeyay xarunta danbi baarista ee C.I.D, Si Sawirran looga soo qaado, kahor inta aan la sameyn baarista dilkiisa.

Si kastaba, Jimcihii ina dhaftay aroorteeda, Koox hubeysan ayaa toogatay Taliyihii Saldhiga Warta Nabadda Macalin Daahir, xili uu ku sii jeeday Jaamacad uu wax ka baranayay maalmaha Khamiista iyo Jimcaha.