Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay waqtiga ay xubnaha Baarlamaanka Maamulkaasi kalsoonida siin doonaan Wasiirrada cusub.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Casiis Laftagareen oo shalay furay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Maamulkaas ayaa ballanqaaday in dadka koofur Galbeed ay nabad iyo barwaaqo ku noolaan doonaan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/Qaadir Sharrif,ayaa sheegay in 27ka Bishan oo Arbacada berri ah golaha wasiirrada loo qaadayo codka kalsoonida.

Lafta Gareen ayaa soo magacaabay 48 Wasiir oo ay 23ka mid ah Wasiirro yihiin halka 23ka kale ay Wasiir ku xigeenno yihiin,waxa uusan magacaabin wasiiru dowle.

Qaar ka mid ah Wasiirradii uu soo dhisay Laftagareen ayaa iska casilay xilalka oo ay ku doodeen in Beelahooda aysan u qalbin xilalka la siiyay.