Ra’isalwasaaraha XUkuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

Wafdi horudhac u ah Wafdiga Ra’isalwasaaraha ayaa saakadii hore ka baxay Muqdisho kuwaas oo ku wajahan Kismaayo.

Ilo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa u xaqiijiyay Mustaqbal Radio in Wafddiga Ra’isalwasaare Kheyre hoggaaminayo ay maanta tagayaan Magaaladaasi.

Ra’isalwasaaraha ayaa¬† la sheegayaa in uu la kulmayo mas’uuliyiinta ugu sarreysa Jubaland sida madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe.

Jubaland waxaa hadda ka billowday ololaha doorashada Madaxweynaha oo la filayo in ay dhacdo bartamaha Bisha August ee soo socota.

Durba musharrixiin ka badan lix ayaa ku dhawaaqay damaca kaga aaddan doorashada Jubaland ka dhaceysa dhamaadka sanadkan 2019ka.