Warar dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya weerar xalay fiidkii ka dhacay magaalada Baydhabo oo xarun KMg-ah u ah Maamulka Koofur Galbeed.

Koox hubeysan, ayaa bam gacmeed waxa ay ku weerartay guri ay Baydhabo ka dagantahay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Marwo Muraayo Ibraahim Mad Deyr, Si gaar ah waxa uu weerarka uga dhacay Xaafada Wadajir.

Saraakiil katirsan laamaha amniga, ayaa soo sheegaya in khasaaraha weerarka uu ku koobanyahay oo kaliya, dhaawaca laba qof oo midi yahay askari Gudoomiyaha ilaalo u ahaa iyo gabar yar oo guriga ku sugneyd.

Ciidamada amaanka oo durbadiiba tagay goobta uu weerarka ka dhacay, waxey sameeyeen baaritaano la xiriirta soo qabashada ragii weerarka ka dnabeeyay, balse Saraakiishooda waxey soo sheegeen iney baxsadeen dableyda.

Magaalada Baydhabo, waxaa ka scoda ololihii u danbeeyay ee loogu diyaar garoobayo doorashada la filayo iney dhacdo 17-ka bisha danbe, balse ma muuqato diyaar garowga Maamulka, maadaama wali aan la sameyn Guddi doorasho waxaana xiliga balanta ka harsan oo kaliya 20 Cisho.