Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan marna ka baxayn Soomaaliya ilaa ay nabad ka noqoto.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau, ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya aysan marka ka baxeyn ilaa ay Soomaaliya ka noqoto dal nabad ah.

Waxaa uu ka hadlayay kulan 4 Maalmood ka socday nairobi oo looga hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in ay fududdahay in Soomaaliya nabad laga dhigo laakiin ay adag tahay in dhaqsi laga boxo iyada oo aan la gaarin ujeedaddii loo tagay oo ah in nabad laga dhaliyo.

Macharia Kamau, ayaa sheegay in kalsooni badan uu ku qabo in ay Soomaaliya nabad noqon doonto islamarkaana ay Ciidanka Kenya ka soo bixi doonaan Soomaaliya marka ay gaarto isku filnaansho dhinaca amaanka ah.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa horay u sheegay in Ciidankiisa aysan ka baxayn Soomaaliya ilaa ay nabad waarta ka dhalato Gobolka lagana adkaado AL-shabaab.

Ciidanka Kenya ayaa iyaga oo weerar ku ah Al-shabab waxaa ay sanadkii 2011kii soo galeen Soomaaliya laakiin sanad kaddib ayaa loo oggolaaday in ay xubin ka noqdaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Kenyatta aaya fagaarayaasha Caalamka ka difaaca howlgalka AMISOM,inta badanna baaqiisu waxaa uu ku wajahanyahay in la bixiyo taageerada Maaliyadeed ee uu u baahaynaya howlgalka AMISOM.