Ronald Melly, ayaa la xiray kaddib markii la ogaaday in uu sameeyay sideed qalliin oo guuleystay,kana sameeyay Isbitaalka degaanka Kapsabet.

Mr Melly, ayaa ka tagay Gobolka Nandi ee isla dalka Kenya,waxaana uu iska dhigay Nin dhaqtar ah,sidaas oo uu ku shaqo billaabay.

Warbixin caafimaad oo ay soo diyaarisay Waaxda  caafimaadka  Gobolka lana horgeeyay golaha degaanka ayaa lagu ogaaday Ninkan.

Madaxa Caafimaadka Gobolka Dr Edward Serem, ayaa Golaha horgeeyay warbixinta,magacyada siddeedda qof ee qaliinka lagu sameeyay iyo warbixin kale.

Warbixinta ayaa muujineysa in dhaqtarka been abuurka ah uu qalliimadaas fuliyay intii u dhaxeysay 5tii June ilaa 14kii July ee Sanadkan 2018.

“intii ay ku jireen howshaas waxaa ay qalliin ku sameeyeen sagaal  qof, siddeed ayaa guuleystay,mid Haweeney Uur leh ahaydna Cunugga ayey ka badbaadiyeen,hooyada ayaana dhimatay”,ayuu yiri Dr Serem. Oo warbxinta soo diyaariyay ahna madaxa caafimaadka Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolja Nandi  Cleophas Lagat, ayaa sheegay in  maamulkiisa aan lagu eedeyn dhaqaatiirta xun iyo kuwa tayada yar,waxaana uu ams’uuliyiinta dowladda dhexe u saaray in ay marka hore gobolka geeyaan dhaqaatiir sugan.

‘waligeey ma arag Dhaqtar been abuur ah,mana aha dadweynaha in ay Maamulka Gobolka dhaleeceeyaan,waa in eedda la saaraa wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda dhexe oo ay u shaqeeyaan dhaqaatiirta Gobolka iyo Gobollada kaleba”,ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddiga Caafimaadka Gobolka Ninka Guddiimiyaha ka ah oo lagu magacaabo Norbert Maiyo,ayaa dowladda ka codsaday in Mr Melly oo ah Dhaqtarka Been abuurka ah la tababaro,maaddaama uu xirfaddan jecelyahay,waxaana uu codsaday in aan la xirin ama la dhibaateyn.

Mr Melly ayaa dib ugu laabtay Gobolkiisa sabtigii la soo dhaafay kaddib markii ay sii deysay Maxkamadda Nairobi,tuulada uu ka soo jeedo ee Tinderet ayaa loogu soo dhaweeyay sida halyey oo kale.

Adeerkii  Daniel Tuwei ,ayaa sheegay in tan iyo sii deyntiisii maalintii Jimcaha aysan kulmin xubnaha qoyskiisa oo aysan ka doodin arrintan.

Mr Melly,ayaa ka baxay Dugsiga sare ee  Tinderet Boys Secondary School ,waxaana uu ka qaatay shahaaddada Dugsiga sare oo wadata darajada C-, sanadkii 2008ddii.

Qoyskiisa ayaa sheegay in markii uu Nairobi aadayay ay u maleynayeen in uu xirfado kale oo sida xafiisyo dowladeed ah ka qabanayo Nairobi, ee marna aysan ku fakareyn in uu Dhaqtarnimo ku shaqeynayo.

Madaxa Caafimaadka Gobolka Nandi  Kirui Chepkwony ,ayaa sheegay in dhamaan baaritaan lagu sameynayo 800 ee dhaqaatiir ee ka shaqeysa Gobolka,maaddaama dadka degaanka arrintan walaac ku abuurtay.

Waxaa uu dalbaday in warbixintooda muddo lixdan maalmood ah lagu soo gudbiyo si walaaca looga saaro dadka Gobolka oo uu shaki badan ka galay tayada Dhaqaatiirta dowladda u shaqeeya.