Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya Mecheal Keating ayaa ka hadlay mushkiladaha ay dowladda Federaalka ah wajeheyso hadda .

Keating ayaa soo hadal qaaday in dowladdan ay leedahay qorshe howled buuxa hayeeshee ay u baahan tahay maalgashiga beesha Caalamka.

“Caqabaddda 1aad ee naheysta waa ladagaallanka Xagjirnimada oo ah Al-shabaab,caqbadda 2aad waa Siyaasadda oo ah habka hanaan siyaasadeed wanaagsan lagu gaarsiin karo dadka iyo dalka, dowladdan waxaa ay leedahay ajenda aad u xooggan haddii ay noqon lahayd sare u qaadidda dakhliga, dib u eegista Dastuurka,hanaanka doorashada ee 2020,sidoo kale gudashada amniga dalka,laakiin siyaasad saxan oo la helo iyo maalgashi beesha Caalamka ah ayey ku hagaagi kartaa waana waxa shirkan looga hadlayo”.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Soomaaliya a wax kasta suurtagal ka yihiin iyada oo laga tusaale qaadanayo Itoobiya iyo Eritrea oo 20 Sano dagaashanaa in ay todobaadyo gudahood ku heshiiyeen,waxaana uu intaas raaciyay in Soomaalida ay ku dayan karaan,waxaanu yiri

“Beesha Caalamka wey nagu raacsanyihiin qorshahaas,laakiin waxaa ay doonayaan qorshe kala hufan oo la hubo,taas oo dadka Soomaalida oo dhan ah ay ku wada lug leeyihiin,iyada oo laga duulayo waxa ka socda Itoobiya iyo Eritrea, oo ah nabadda iyo dib u heshiisiinta deg degga ah ee dad 20 Snao dagaalsanaa ay gaareen,  in halkaas oo kale lagu dayan karo islamarkaana sare loo qaadi karo tayada nolosha Dadka Soomaaliyda ah”.