Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay laamaha Cadaaladda, Garsoorka iyo Amniga Maamulka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinayey Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo Caddaalada iyo Haweenka, kulanku ayaa intii uu socday looga wada hadlay arrimaha cadaaladda, Amniga iyo Garsoorka.

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Karaash iyo Wasiirada uu kulanka la qaatay.

Sidoo kale kulankan intuu socday ayaa su’aalo lagu weydiiyay dhinacyada Booliska, CID-da, Maxkamadaha, iyo Asluubta ayaa ka xog-warameen kiisaskii ugu danbeeyey ee ka dhacay Puntland, gaar ahaan arrimaha kufsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor
Wasiirada iyo Taliyaasha Ciidamada uu kulanka la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo markii kulanku soo dhamaaday ka warbixiyey.

“Madaxweynaha oo ka soo qayb-galayaasha shirkan isugu yeeray waxa uu ku saabsanaa sidii kiisaska hadda taagan oo kufsigu kow ka yahay loo dedejin lahaa, ciddii danbiga gashayna Cadaaladda loo marin lahaa, dadkii dhibaatada loogaystayna loo dawayn lahaa”. ayuu yiri Wasiir Xaamud.

Image may contain: 4 people, people sitting and people standing
Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada amniga iyo Cadaalada maamulka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland, Karaash ayaa laamaha kala duwan ee shirka kasoo qayb-galay ku booriyay in ay wada shaqayn xooggan yeeshaan, si arrimaha Cadaaladda kor loogu qaado.

Image may contain: 6 people, people sitting
Masuuliyiinta kulanka Cadaalada looga hadlaayay ka qeyb gashay.