Kooxda reer Taliyaani ee Juventus ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis shaqsi ah la gaartay kubad sameeyaha kooxda Arsenal ee Ramsey.

28 jirkaan ayaa heshiis afar sanno ah u saxiixay Juventus wuxuuna si rasmi ah ugu biiri doonaa kooxda heysata horyaalka Talyaaniga 1da bisha July xiligaas oo uu dib u furmi doono suuqa.

Juventus ayaa muddo dheer ku raad joogtay saxiixa Ramsey, inkastoo kooxo kale oo Yurub ah ay loo lan kaa kulmeysa waxaana ka mid ah Barcelona, Real Madrid, Paris St Germain iyo Bayern Munich.

Wargeyska Totosports  ayaa sheegaya in Ramsey uu qaadan doono aduun dhan £400,000 todobaadkii marka uu si rasmi ah ugu biro kooxda Juventus.