Kooxda Juventus ayaa si cad uga hadashay mustaqbalka xidigooda reer Argentina ee Paulo Dybala.

Laacibkan ayaa waxaa uu diirada u saarnaa mudooyinkii dambe kooxo dhowr ah oo ay ka mid tahay Real iyo PSG.

Balse waxaa warkan si cad uga hadlay Agaasimaha ciyaaraha kooxda Juventus isagoona sheegay in uu san iib aheyn Dybala.

Xidigeena waa inoo muhiim iibna ma’ahan waxaa sidaa yiri Agaasimaha Ciyaaraha kooxda Juventus oo ka hadlayay mustaqbalka Dybala.