Kooxda kubada cagta ee Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab rasmi ah kasoo gudbisay garabka bidix ee Barcelona Jordi Alba.

Alba ayaa ka mid ah xidigaha aadka loogu jecelyahay ka ciyaarista garabka bidix waxaana goor hore dalabyo kala duwan kasoo gudbiyeen kooxo dhowr ah.

Wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa Taliyaaniga ayaa ku waramaya in Juve qorsheheeda suuqa uu ka midyahay Alba.

29jirkaan qandaraaska uu kula jiro kooxda Barcelona ayaa ku eg sanadka 2020.