Ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa maanta howl galo ka wadda deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiish amaanka Jubbaland ayaa sheegay in ay howlgalkaan ka fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Jamaame sidoo kalana ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is garabsanaya ay jiinka wabiga ka galeen deegaanka Yiirey oo aan sidaa uga fogeyn degmada Jamaame.

Sida ay sheegeen Saraakisha Ciidamada Jubbaland 6 Qof oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil sarre ayaa laga diley dagaalka Al-shabaab,waxaana nolasha lagu qabtay 3 Kale.

Saraakiishan la diley ayaa lagu kala magacaabaa Cali Waraabe,Tima Jilic iyo Galley kuwaas oo AL Shabaab u qaabilsanaa deegaanada hoos yimaada Jamaame sida ay sheegteen Saraakiisha Amaanka Jubbaland.

Wali waxaa ka socda deegaanada hoos yimaada degmada Jamaame gaar ahaan kuwa saaran Jiinka Wabiga howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab,waxaaana ayna ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku sii jeedaan Degmada Jamaame oo ah saldhiga ugu weyn Al shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamo katirsan Al Shabaab oo gurmad ahaan ugu sii jeeday deegaanada howl galadu ka socdaan ay duqeymo la eegteen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka oo howl galka qeyb ka ahaa.

Al shabaab dhankooda kama hadlin sheegashada Jubbaland ee ah in ay dileen Askar iyo Saraakiil ka tirsan Al shabaab ayna la wereegeen deegaano hoos taga Jamaame.