Odayaasha dhaqanka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Wasiirada qeybta ka ahaa wafdiga Madaxweynaha Jubbaland oo maalmahaan ku sugnaa Afmadow ayaa  maanta ku lan ku yeeshey Dagmadaasi.

U jeedka kulanka ayaa ahaa sidii odoyaasha Dhaqanka qeyb ugu qaada lahaayeen hormarka Degmada is dhexagalka Bulsha iyo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen Maamulka jubbaland.

Odoyaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday Wasiirada Maamulka Jubbaland in dagmada Afmadow la siiyo Mashaariic hormarineed si loo hormariyo Bilicda Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Odayaasha dhaqanka dagmada Afmadow

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Jubbaland Cabdirashiid Qalinle ayaa kulanka ka sheegey in wasaarada Maaliyada Jubbaland ay dhawaan degmada Afmadow ka hirgali doono Xafiis loogu talagalay qaadista Canshuuraha dagmada kaasi oo dhawaan Wasaaradiisu qorsheynayso in ay shaqaale u diiwaan galiso.

Wasiirka Arimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa Odayaasha dhaqanka kula dardaarmay in ay marwaliba dadka ku baraarujiyaan ka qeyba qaadashada Hormarka isla markaana ay ka qeyb qaataan howgalada lagu xoreynayo deegaanada ka maqan Gacanta Jubbaland.

Wasiirada kulanka ka qeyb galay.

Degamada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa maalmahaan ku sugnaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madowe oo halkaasi ka waday abaabul ciidan oo ku aadan Dagaalo lagu qaado Gobolka Jubbada dhexe.