Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa u hambalyey Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta loo doortay Xilka Madaxweyne Maamulka Puntland.

Warka ka soo baxay Maamulka Punttland ayaa lagu yiri “Dowlad Goboleedka Jubbaland waxa ay si diiran ugu Hambalyeynaysaa,isla markaana u soo dhaweynaysaa Madaxweynaha Dowlad Goboledka Puntland,Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta lagu doortay Garawe”.

War-Saxaafadeedka ka soo baxay Maamulka Jubbaland.

Qoraalka Jubbaland ka soo baxay ayaa loogu baaqay shacabka ree Puntland in garab istaagaan lana shaqeeyaan Madaxweyne cusub ee maamulkaasi Ciciid Cabdulaahi Deni.