Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jiray Booliis, Militari iyo Daraawiish ayaa maanta dhuulatus Ciidan ku sameeyay Magaalada Kismayao ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Milatariga Milatariga Jubaland ee loo diyaariyay Bu’aale.

Waxaa sare loo qaaday ammaanka Magaalada Kismaayo, kaliya Ciidamada Booliiska Ammaanka sugayay iyo Ciidamadii dhoolatuska sameynayay ayaa hubka ku dhex heystay Magaalada.

Cutubyo ka mid ah Milatariga Jubaland.

Shacab laga keenay Xaafadaha Kismaayo ayaa la safay Hareeraha Laamiga Dhoolatuska Ciidan ay ku sameynayeen Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Booliska Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay kormeerayay qaar kamid ah Saldhigyada iyo Xeryaha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Gabdhaha Booliska Jubaland.

Ciidamadaas ayaa loo diyaariyay in ay dagaal kula wareegaan Deegaanada ka maqan gacanta Maamulka, waxaana wehlinaya Ciidamada AMISOM sida ku cad shirkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Gaadiidka Dagaalka Jubaland.

Waxaa lagu go’aamiyay shirkaas in sanadka Cusub ee 2019-ka la qaado weeraro ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka qayb qaadanayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, Kuwa Maamulka Jubbaland iyo AMISOM

Axmed Madoobe oo salaan ka qaadanaya Ciidanka Jubaland.