Maamulka Jubaland ayaa sheegay in sagaal xubnood oo ka mid ahaa AL-shabaab lagu dilay duqeyn xalay fiidkii ka dhacday inta u dhaxeysa Buundada Araare  iyo degaanka Muuse Xaaji.

Mukhtaar Cabdi Maxamed, oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka  Jubaland ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal, in afar Gantaal lagu dhuftay goob ay isku urursanayeen Al-shabab.

Waxaa uu xusay duqeynta kaddib markii uu waaga barayay in Ciidamada Jubaland ay tageen degaankaas Meydadka sagaal qof oo ka mid ahaa Al-shababna la geeyay degaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubada joose oo ku dhow goobta ay duqeynta ka dhacday.

Dhinaca Al-shabaab wali kama hadlin sheegashada Maamulka Jubaland ee in Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ku dileen degaanka Muuse Xaaji.

Dowladda Mareykanka ayaa sare u qaadday weerarrada ka dhanka ah AL-shababa,waxaana warbixin uu shalay Taliska Mareykanka ee Afrika ka horjeediyay Kongareeska ku sheegay in weerarradii Mareykanka ee 2018 oo gaarayay ku dhawaad 50 weerar ay ku dhinteen 323 ka mid ah Al-shabaab.

Waxaa kale oo uu sheegay in sanadkan 2019 weerarrada ay ka geysteen Soomaaliya ay ku dileen 118 ka mid ah Al-shabaab.