Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose waxaa maanta lagu wadaa in ay heshiis ku kala saxiixdaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland.

maagaaladaas waxaa shalay gaaray Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay wasiirro ka midyihiin.

Waxaa maanta lagu wadaa in ay kala saxiixdaan dhameystirka heshiisyo ay horay ugu gaareen Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Dowladda Federaalka ah ayaa isku dayeysa in ay dejiso khilaafka kala dhaxeeya dowlad Goboleedyada ka hor shirka Garowe ka furmaya bishan.

Jubaland waa maamulkii marti geliyay shirkii wada shaqeynta looga joojiyay dowladda Federaalka ah,waxaana Madaxweynaha Maamulkaasi dowladda Federaalka ah dhowr jeer ku dhaliilay ballamo ka bixidda.