Daafaca kooxda Bayer Munich iyo xulka Germany Joshua Kimmich ayaa looga gacan haatiyay horyaalka Spain ee La Liaga.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in daafaca midig ee Bayern Munich uu hogaaminayo liiska xiddigaha Barcelona ay ka doonayso suuqa kala iibsiga.

Barcelona ayaa u aragta 23 jirka reer Jarmal laacib si wayn ugu haboon qaab ciyaareedka kooxda, wuxuuna sifiican u fahmay qaabka tikitaaka markii uu Bayern hogaaminayay Pep Guardiola.

Kooxda reer Spain ayaa si wayn uga warhaysa inaysan fududayn in Bayern lagu qanciyo iibka Joshua Kimmich kaas oo kula jira heshiis gaaraya ilaa 2023.

Qiimaha Joshua Kimmich ee suuqa kala iibsiga ayaa haatan lagu qiyaasayaa 50 milyan oo euro.