Daafaca kooxda Barcelona iyo xulka Spain Jordi Alba ayaa ammaan kala dul dhacay goolhayaha ay isku kooxda yihiin ee Marc-Andre ter Stegen.

26jirkan ayaa ka hadlay qaabciyaareedka goolhayaha reer Germany ee Stegen xili uu wareysi siiyay Wargeyska Marca wuxuuna yiri”

“Aniga ahaan Stegen waa goolhayaha ugu fiican Aduunka waxaa uuna soo bandhigaa qaab ciyaareed cajiib ah waxaa uuna leeyahay tayo sare waana xidig aan ku faraxsanahay inaan ka garab ciyaaro ayuu yiri Alba oo amaanayay Stegen.

Goolhayahan ayaa Barca u saftay 150 kulan tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Borussia Monchengladbach xagaagii 2014.