Jeff Bezos (B) Bill Gates (M).

Aas aasaha Suuqa Internetka ee Amazon Jeff Bezos,ayaa noqday Ninka ugu taajirsan Adduunka,waxaana uu dhaafay Ninka ugu taajirsanaa Caalamka ee lagu magacaabo Bill Gates.

Bezos lacagtiisa 12kii bilood ee la soo dhaafay waxaa ku kordhay $60Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,waana lacagta hadda gelisay kaalinta 1aad.

Aas aasaha Sharikadda Microsoft , Bill Gates ayaa hadda ah ninka labaad ee ugu dhaqaalaha badan Caalamka,waxaana kaalintii uu muddada dheer heystay kala wareegay Jeff Bezos.

Mr Gates ayaa hadda heysta $100Bilyan oo dollar oo caddaan ah marka lagu daro lacagaha uga jiro Hantida ma guurtada ah iyo saamiyada Sharikadda Microsoft,oo ah $700Milyan waxaa ay guud ahaan isku dhantahay $149Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Jeff Bezos (B) Bill Gates (M).

Waxaa uu kaalinta 1aad galay 1999kii.ilaa Ninkan Amozon iska leh uu soo baxay islamarkaana uu sameeyay lacago farabadan.

Ninka hadda kaalinta 1aad galay ee Jeff Bezos ,waxaa uu sanad kasta suuqa geliyaa oo iibiyaa $1Bilyan oo Saamiga Amazon ah,waxaa uu ku maalgelinayaa mashruuca Blue Origin ee safarka Ganacsiga.

Jeff sanadkii 2017kii Bishii July ayuu mar noqday ninka ugu taajirsan dunida markaas oo Saamiyada Suuqa Amazon ay noqdeen qaali,hayeeshee hoos ayey u dhaceen,sidaas ayuuna kaalinta 2aad ku galay.

Jeff,hantidiisa waxaa ay hadda gaareysaa $150Bilyan oo doollarka Mareykanka ah sida uu baahiyay Waregyska Bloomberg.

War ay soo saartay Amazon,waxaa ay ku sheegtay in shaqaalaheeda joogta ah ay qaataan €12.22 Yuuroo saacaddiiba,haddii qofka uu shaqeeyo wax ka badan 2 Sanana lacagtaas la kordhinayo.

Sharikadaha  tartanka kula jira Amazon ee kala ah Microsoft  iyo  Walmart,ayaa iyana la filayaa dhawaan in ay shaaciyaan heshiis iyaga dhexmaraya oo shan Sano soconaya,waxaana uu la xiriiraa Tignolojiyadda,iyo Computerrada,gaar ahaanna Tafaariiqleyda, sida uu daabacay Wargeyska Wall Street Journal.

W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi).

Heysta: darajada 1aad ee Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga.

Mustaqbal Radio.