Ugu yaraan lix ka mid ah Ciidamada Cirka Mareykanka ayaa lagu la’yahay Dalka Japan kaddib markii ay isku dhaceen labo ka mid ah Diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Xilliga uu shilka dhacayay labada diyaaradood waxaa ay wadeen howlgal ay shidaal hawada isku siinayeen.

Hawada uu shilka ka dhacay waxaa ay  320KM u jirtaa Xeebaha Dalka Japan oo ay yaallaan Maraakiibta dagaalka Mareykanka ee ilaaliya Japan iyo Kooriyada Koofureed.

Labada diyaaradood ee isku dhacay ayaa kala ahaa  F/A 18 iyo KC-130,waxaana shidaalka qaadanayay F/A 18 oo ay saarnaayeen Labo Askari,halka midda kale ay saarnaayeen Shan Xubnood.

Wasaaradda Gaashaandhigga Japan ayaa sheegtay in Ciidankeeda badda ay soo bad baadiyeen mid ka mid ah Askarta Badda ku dhacday halka uu socd Gurmad lagu soo bad baadinayo lixda Askar ee maqan.