Kabtankii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa na ugu baaqay Marcus Rashford inuu ka tago Manchester United hadii uu doonayo inu heer kagaaro kubada cagta.

Rashford ayaa kaso baxay da’yarta United waxaa uuna muujiyay inu yahay xidig mustaqbal ku leh kubada cagta wuxuuna wacdaro ka dhigay kulamadii uu u saftay kooxda United iyo xulka Englan.

Halyeeygii hore ee Liverpool oo hada ah falanqeeye ciyaareed ayaa talo siiyay xidiga da’da yare e reer Englan wuxuuna yiri”

“Marcos waa xidig da’yar oo cajiib ah wuxuuna ku fiicnaa koox aan aheyn United wuxuu leeyahay mustaqbal ifaayo waxaan ugu baaqi lahaa inuu kooxda United isaga tago kuna biro koox kale oo ka fiican United ayuu yiri Carragher.