Xidiga Real Madrid ay iska leedahay balse amaahda uga ciyaara kooxda Bayer Munich James Rodriguez ayaa lagu soo waramayaa inuu meesha ka saaray inuu u dhaqaado horyaalka  Premier League oo aad looga xiiseynayay suuqii jilaalka.

James ayaa haatan dhameysanaya labo sano oo amaah ah oo uu ku qadanaya Bayern Munich.

Arsenal ayaa aad loola  xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso weeraryahanka, laakiin sida laga soo xigtay Marca balse xidiga ayaa go’aansaday in uu kooxdiisa sii joogo.

Wargeyska The Bild ayaa ku waramaya in James uu doonayo inuu ugu yaraan sannad kale ku qarash gareeyo Bernabeu, inkastoo ay weli muuqato in ciyaaryahanka uu qorsheynayo inuu sii joogo Bayer.

Bayer Munich ayaa wali heysata fursad ah in ay si toos ah ula wareegto adeega xidiga reer Colombia ee James.