Maamulka Israel ayaa ku dhawaaqay in uu 250,000 oo reer Israel ah dib u dejin ugu sameynayo Buuraleyda Golan ee ay xoogga uga heysata Syria.

Sida ay qortay IBA oo laga leeyahay Israel waxaa halkaas laga dhisayaa Guryo, Waddooyin, Goobo Dalxiis iyo mashaariic kale oo ay ka faa’ideysanayaan dadka Yuhuudda ah ee hadda ku sugan gudah Israel.

Dadka Israel ee hadda deggan Buuraleydan waxaa ay tiradoodu gaareysaa 50,000,oo ay ku jiraan 22,000 oo dib u dejin loo sameeyay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhawaan saxiixay wareegto uu ku sheegayo in Buuraleyda Golan ay si sax ah u leedahay Israel inkasta oo uu caalamka intiisa kale iska diiday.

Israel ayaa dhulka Buuraleyda ee Golan waxaa ay sanadkii 1967dii ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee dhexmaray carabta iyo Israel.