WhatsApp iyo Instagram ayaa lagu darayaa adeegga Farriimaha ee Facebook,waxaana sidaas shaaciyay madaxa Facebook Mark Zuckerberg , waxaana uu doonayaa in saddexda adeeg ay ka duulaan hal siyaasad oo meel laga wada maamulo si loo saxo nidaamka wada shaqeynta.

Aragtidan waxaa ay Rukunka u oggolaaneysaa in ay ku wada xiriiraan saddexda adeeg iyaga oo mid ka mid ah heysta,waxaana qorshahan lagu dhaqaaqayaa dhamaadka sanadkan ama billowga sanadka cusub.

Sida ay sheegayaan wararka la xiriira arrintan waxaa ay salka ku heysaa in laga hortago xogaha badanaa u gacan gala qolo saddexaad oo si qaldan uga faa’ideysta,waxaana la doonayaa in la sugo xogta Rukunka inkasta oo shaki badani wali jiro.

Go’aankan Macaamiil badan oo qeybaha kala duwan ee saddexda adeeg ah kama aysan helin ama kuma farxin,waxaana durba jira dad badan oo isaga guuraya Facebook,kaddib fadeexadihii sanadkii la soo dhaafay qabsaday Facebook ee burcad Internet ku xadday xogaha Rukun badan loona adeegsaday arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen olole doorasho iyo siyaasado kale.

Dabcan,waxaa wali taagan fadeexaddii Cambridge Analytica, taas oo Rukun ka badan 87 Milyan oo ay lahayd Facebook xogtooda lagula baxay iyaga oo aan ka warqabin,waxaana arrintaas abuurtay kalsooni darrada lagu qabo Facebook.

Inkasta oo ujeeddada gaarka ah ee Milkiilaha Facebook arrintan ka leeyahay iyo waxa dhici kara Mustaqbalka aanay wali caddeyn,haddana waxaa  arrin muujineysa in isku dhafkan sabab u tahay sidii loo asturi lahaa xogaha Rukunka saddexda adeeg oo la mideeyay, iyo in Hay’adaha amaanka ee Mareykanka ay cadaadis ku saari karaan adeegyada la socodka xogaha dadka qaar.

WhatsApp,wax badan ayey gaar ahayd Facebook inkasta oo ay horay u iibsatay,laakiin markii uu soo baxay warka isku dhafidda saddexda adeeg kuwo badan oo idinka mid ah ayaa go’aansaday halkii ay u wareegi lahaayeen.

Waxaa jira fursado kale oo aad uga wareegi karto saddexda adeeg ee la isku milayo,haddii shaki badan ka qabto xogtaada,waxaana ka mid ah.

Viber

Waa app ama adeeg bilaash ah, oo ay ku xiranyihiin Rukun gaaraya 900 Milyan oo qof,waxaa iska leh sharikad laga leeyahay Dalka Luxembourg, dhinaca xog ilaalinta waxaa ay ku jirtaa kuwa ugu sugan ama amniga badan,waxaana ay tartan kula jirtaa WhatsApp,waxaa kale oo ay leedahay wicitaanno tayo leh oo bilaasha ah.

Waxyaabaha u gaarka ah waxaa ka mid ah lama dhegeysan karo wicitaanka adiga iyo qofka aad la hadleyso,sidoo kalena qolo saddexaad awood umalaha in ay hesho xogta adiga iyo qofka aad sheekeysaneysaan.

Signal

Amaankeeda aad ayaa loo jecelyahay,waxaa bilaash,farriimaha la isugu diro ilaa hadda waa kuwa ugu amniga badan ama sugan xagga xogdhowrista,Hay’adaha amaanka waxaa u fudud in ay xogtaada helaan,sababtuna waa tirada dadka farriimaha isugu dira oo aad u badan.

Adeegga signal,waa bilaash,sahlan, lagana helo karo meelkasta si aad u adeegsato uguna beddelato akoonnada hadda kuu furan ee baraha Bulshada.

Telegram

Telegram, waxaa ay leedahay Rukun ka badan 180Milyan oo qof oo joogto ah, waxaa ay ka mid tahay adeegyada farriimaha ee ugu amaanka badan xilligan,

Waxaa ay adeegyada kale ee xiriirka baraha Bulshada dheertahay waxaa ay leedahay siyaasad gaar ah oo kuu oggolaaneysa in aad gaar u sheekeysataan qofka aad dooneyso,waxaana ay leedahay sheekada sirta ah  “Secret Chats”. Marka aad adeegsaneyso qeybtan, farriimaha,sawirrada, qoraallada iyo muuqaallada iyo DUkumiintiyada kale waxaa uu qofka awoodaa in uu tiro marka uu hubsado in ay gaartay qofka kale ,qeybtan si gaar ah ayaa loo adeegsadaa, haddii aad u baahantahay,aadna adeegsato Telegram, ka fiiri qeybta Bots feature.

Wickr

Waa adeeg laga heli karo Android iyo  iOS,waxaana ay qeyb ka tahay kuwa ugu amaanka badan baraha bulshada ee la adeegsado,waxaa bilaash laga dhigay August 2017,waxaa ay isu dhowyihiin Signal.

Waxaa ay leedahay qeyb lagu magacaabo a “bug bounty” , oo xitaa Burcadda Internetka shuruud ku xireysa.

Adeeggeed dooran doontaa?

Waxaa jira adeegyo kale oo ku cusub baraha bulshada waxaa ka mid ah,  iMessage oo laga helo Taleefannada  iPhone,  Adeegga Appel ee Fiilo la’aanta ah “AppleWi-Fi “

Laakiin arrinta qofka u gaarka ah  Wickr, ayaa ah tusaalaha ugu macquulsan ee saaxiibada doonaya in ay saaxiibadood la xiriiraan ay tahay in ay qaataan.

Haddii aad mid doorato saaxiibadaana aad dooneyso in ay kuwo kale qaataan waaa Signal iyo Telegram, laakiin sida ay leeyihiin dooqu waa adiga.

Isha:Forbes

Soomaaliyeyn: Adam Ibrahim Farah (Showqi)

Mustaqbal Radio.