Dowladda Iraan ayaa sheegtay in ay billaaabiso dhoofinta Shamiito lagu sameeyay dalkeeda oo loo soo dhoofinayo Soomaaliya.

Rejman Bahrami oo ah Maareeye  ku xigeenka Aagga Ganacsiga xorta ah ee Jasiiradda Qeshm, ayaa sheegay in Shamiitada ay soo saartay Warshad ku taalla Jasiiradda loo dhoofinayo Soomaaliya.

Bahrami ayaa sheegay  in 14,000 oo Tan oo Shamiito ah uu dekadda Magaalada Qeshm ka qaadayo Markabka AMINA-H oo wata Calanka Dalka Tanzania lana geynayo Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in durba ay  Talaadadii la soo dhaafay billaabatay daabulidda Shamiitadaas Soomaaliya ku imaneyso afar ilaa shan maalmood.

Warshadaha Shamiitada farsameeya ee Dalka Iraan ayaa sanadkiiba soo saara 80Milyan  Tan oo Shamiito ah,waxaana loo dhoofiyaa dalalka kala ah;Ciraaq, Azerbaijan, Turkmenistan, Afghanistan, Russia, Kazakhstan, Kuwait,
Pakistan, Qatar, Turkey, the UAE, Georgia, Oman, India, Somalia iyo China.

Xoghayaha Ururka Shamiitooleyda Iraan, Abdolreza Sheikhan, ayaa sheegay in dalkooda uu muddo 9 bilood ah ku soo saaray 41Milyan Tan oo Shamiito ah ayna ka soo xarootay $120 ilaa 140Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.

Abdolreza Sheikhan, ayaa intaas ku daray in Kiishka Shamiitada ah ee ay soo saarto Iraan uu suuqyada Caalamka ka joogo $25 ilaa $30 Doollar.