Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Cesc Fabregas.

Laacibkan ayaa dhawaan dalab ka helay kooxda AC Milan markanna waxaa uu dalab hor leh ka helay dhigeeda Inter Milan.

Fabregas ayaa Chelsea kaga soo biiray Barcelona xagaagii 2014, isagoona u49 kulan u saftay Blues xilli ciyaareedkii 2017-18.

31 jirkaan ayaa qorsheynaya inuu Chelsea isaga hayaamo bisha janaayo marka uu furmo suuqa.