Kooxda reer Taliyaani ee Inter Milan ayaa ugu dambeyn ku fashilantay in ay sii heysato adeega dhaliyahooda reer Argentina ee Mauro Icardi waxeyna go’aansadeen ay ku iibiyaan aduun dhan 52m.

26 jirkaan ayaa wali ka mid ah xidigaha aadka looga doon doonayo suuqa kala iibsiga wuxuuna diirada u saaran yahay kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Dhaliyahaan ayeey dhawaan isku dhaceen Tababaraha kooxdiisa Inter taa oo keentay in xilkii kabtannimo laga qaado mararka qaarna kursiga keydka loo taxaabo wuxuuna go’aanku gaaray mar uu hadlayay in dhamaadka xili ciyaareedkan uu gabi ahaanba kooxda ka hayaami doono.

Wargeyska Totosport ayaa ku waramaya in Agaasimaha ciyaaraha kooxda Inter Milan oo ku dhaqaaqay in ay kooxda go’aansatay iibinta xidigooda iyadoono Real Madrid kaga iibin donto aduun dhan 52m.