Sawirka: BBC Somali

Isaga oo isleh saaxiibadaa farxadda la wadaag ayuu gabadhii ay ku heshiiyeen guur iyo guri wada-yeelasho waxa uu la soo galay dhowr sawir oo dhaqan dooris ah, waa sawirro hordhac ahna waa soo raaciyey, ogow waa mahar ama Nikaax kahor,

Saaxiibadiis Facebook oo ay isku nuuc yihiin ayaa u soo qoray:

#Maashaa Allaahu, #Nice pictures, #Guuleysata, isku waara

Gabadha Wallaalaheed iyo aabaheed ayaa sawiradii Facebook ku arkay! aad ayay uga xanaaqeen illaa ay go’aan ku gaareen in gabadhooda la xabbiso, wiilkani lagu dacweeyo Islaan hooyadiis ah oo xaafadda wax ka deggan, isaga iyo laba kale ayay agoonnimo iyo huriwaa kusoo korisay, balse qaraabadii labada dhinac ayaa reerkii gabadha ka xaal mariyey wixii dhacay kuna qanciyey in gabadha aan la xirin oo aan dhaqan xumada dhacday sabab looga dhigin in xiriirkooda oo in ay isguursadaan taagan aan la burburin!

Ciddii si caga-jiid ah ayay ku aqbaleen dalabkii qaraabada, Subaxdii dambe ayaa la bixiyey gabadhii lana mahriyey.

Wixii hore waxba ma ahayn! Meeshii gabadha lagu qurxinayey ayuu tegey! Iyada oo gaadduhu u qaawan yihiin, timuhuna u bannaan yihiin calalo khafiif ahna sidata ama xiran ayuu sawirro kale lasoo galay,

Facebook ayuu kusoo daadiyey, Hambalyo dhammaan asxaabteyda Facebook waa maalin aan sugayey kulahaa, wiilashii gabadha la dhashay oo kamid ah saaxiibadiisa Facebook oo ka xumaa wixii hore ee dhacay ayaa arkay, odaygii Aabe ahaa oo Farmashi iska gadanaya ayay tuseen, gaarigiisa ayuu qaatay laba kalana waa sii watay, Koofeerkii ama Burikiyeerkii hadba kaad u taqaan gabadha lagu qurxinayey ayuu sii istaagay in loo soo bixiyana waa dalbaday!

Imaanshaha Aabe in wax kujiraan waa ogaatey, balse in sawiradeeda oo qaawan Facebook lagu wadaagayo ma oga, gabdhihii la joogay dareen iyo nuxnux kaddib inta dhar u xireen ayay ku dareen Aabaheed.

“Aabe I dhegeyso waa ogahay in aad laabta ka gubaneyso oo aad isleedahay aabe muxuu kaa soo doonay? Anna laabta ayaan ka gubanayaa in sawiradaada oo qaawan lagu goobeynayo Facebook ayaana I dhibtay! Waa qalad in aan aniga oo ku bixiyey haddana kusoo celiyo, wax yar ayaan saxayaa ee ii dulqaado adiga oo aan quruxdaan lahayn ayaan kuugu dulqaatay in aad igu kaadiso aniga oo korka kugu haaya!”

Iyada oo holceysa laabtuna islahadal iyo walaac kujirta ayay tiri: Aqbal iyo guddoon Aabe sidii aad xal u aragto yeel!

Qol isaga u gaar ah ayuu dejiyey, in subaxa laga billaabo si dhaqsi xal loo raadinayana waa u sheegay, inkasta oo aan la huri karin haddana rabitaankeeda kuma joogto kumana aqbalin in ay aqalka aabaheed caawa u hoyato balse Aabaheed waa nin hayin ah aadna loo jecelyahay, carruurtiisa iyo xaasaskiisuna ay u yaqaanaan Boqor iyo waalid.

Saaxiibkaa dhaqan dooris xalay keligii ayuu u hoyday gurigii arooska, qaraabadii markii hore wax la xallisayna markan waa xishoodeen oo iskumaba deyin in ay odayga holliyaan.

“Haddii Jirka qaawan uu astaan u yahay Ilbaxnimo, xayawaanka hambalyo!  waxa uu leeyahay ilbaxnimada oo dhan”

إذا كان الجسد العاري دليل الحضارة ، فهنيئًا للحيوانـات فلهم كُل الحضارات !

Dayuusnimo kaweyn in cawrada gabadha lagu siiyey aad Facebook ku goobeyso ma jirto!.

WQ: Axmed C. Guutaale