Wargeyska The Telegraph, ayaa qoray in Imaaraadka ay shaqaaleysiisay sharikad dhinaca Internetka ah oo ka shaqeysa jabsiga xogaha dadka caanka ah taasd oo laga leeyaya Israel.

Sharikaddan  oo lagu magacaabo  NSO Group,ayaa waxaa ay leedahay sofwater lagu jabsado Taleefannada iyo Cinwaannada baraha bulshada ee Madaxda Caalamka iyo shaqsi kastaba,waxaana ay dowladda Imaaraadka heshiis la gashay 2013kii.

Tan iyo XIlligaas ayey Imaaraadka ka caawineysay in ay la socoto dhaq dhaqaaqa Hoggaamiyayaasha Dalalka Qadar,Labnaan iyo xubno ka mid ah Dowladda Sucuudiga iyo Mas’uuliyiin kale oo Carbeed/

Dadka Imaaraadka ay sida joogtada ah xogtooda ula socdeen waxaa ka mid ah amiirka Qadar oo ay dhegeysanayeen Taleefankiisa, iyo xiriirradiisa kale ee baraha bulshada sida; Facebook, Skype, WhatsApp, Viber, WeChat  iyo Telegram.

Madaxda kale ee Imaaraadka ay xogahooda u jebisay Sharikadan ee ay dhegeysanayeen ayaa waxaa ka mid ah Ra’isalwasaaraha Dalka Lebanonan Sacad Xariiri iyo Dhaxal suge ka tirsan Sucuudiga oo lagu magacaabo Mutaib bin Abdullah.

NSO Group, ayaa sheegtay in Software-ka ay sameyso ka iibisay Rukunkeeda,iyaga oo u adeegsanayay shaqada loogu talagalay in uu qabto Sofware-kaas,waxaana ay sheegtay kaliya in loo adeegsaday ka hortagga Argagixisada iyo  Dambiyada,waxaana ay ka digtay in loo adeegsado ku xadgudubka xuquuqda dadka rayidka ah.

Labonsharikadood oo dhinaca sharciga ah ayaa hadda dacwad ku wada sharikaddan,waxaana ay sheegayaan in ay hayaan caddeyn muujineysa in sharikadda software-ka ay sameysay lagu adeegsado wax ka baxsan siyaasadda loogu talagalay.

Sharikadaha Dacwaneynaya ayaa sheegay in ay hayaan Dukumiintiyada muujinaya saxiixa Imaaraadka ee Sofware-ka iyo sharikaddan reer Israel,heshiiskaas oo dhacay Bishii August ee 2013kii.