Haweenka Muslimiinta ah ee ku jira aqalka hoose ee dalka Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in ay cambaareyn joogta ah iyo naceyb ku hayaan Israel.

Ilhaan Cumar oo Soomaaliya ka soo jeedda iyo Rashiidda Dayib oo Falastiin ka soo jeeedda ayaa arrimaha Falastiin iyo Israel uga hadla kulamada Golaha Kongareeska iyaga oo sidoo kale fagaarayaasha ka cambaareeya.

Xildhibaannada Xisbiga Jamhuuriga ee uu ka soo jeedo Trump oo arrintan ka faa’ideysanaya ayaa sheegay in Xisbiga Dimuqraadiga uu horseeday faafinta naceybka dadka Israel ama Yuhuudda ku nool gudaha Mareykanka.

Ilhaan iyo Rashiidda ayaa si lama filaan ah uga mid noqday Golaha Kongareeska Mareykanka iyaga oo matalaya Xisbiga Dimuqraadiga.

Doorashadooda ayaa noqotay markii ugu horreeysay oo haween Muslimiin ah xubin ka noqdaan Golaha aqalka hoose  ee Dalka Mareykanka.