Goolhayaha Tottenham Hotspur Hugo Lloris ayaa lagu soo waramayaa in lagu ganaaxay lacag dhan 50 kun oo ginni ka dib markii uu qirtay inuu cabay khamriga wax ka badan laba jeer.

Kabtanka ku guuleystay Koobka Adduunka ayey Booliska magaalada London qabteen Bishii hore, waxaana lagu eedeyay in isagoo cabsan uu gaari waday Bartamaha Magaalada.

Lloris ayaa markii dambe lagu ganaaxay £ 50,000, waxaana lagu mamnuucay in uu gaari wado 20 bilood, sidaasi waxaa wariyay wargeyska Evening Standard oo sheegay in kooxdu ay ku soo rogi doonto ciqaab dheeraad ah.

Spurs ayaa la rajeynayaa inay bixiso ugu yaraan 250 kun oo ginni – taasoo u dhiganta mushahar labo todobaad ah, inkastoo tababare Mauricio Pochettino uu horay u soo jiitay suurtogalnimada inuu kabtan u noqdo kabtanka Tottenham.

Garsoore Amanda Barron ayaa sheegay in “nasiib ay tahay” Lloris “uusan dhaawac u geysan gaadiidka kale ama dadkii lugta”, ficiladiisuna waxay xitaa qatar weeyn galiyeen naftiisa.

Maxkamad ayaa loo sheegay in goolhayaha Spurs ay jirkiisu ku jiraan 80 micrograms oo khamri ah 100 Milimitir oo neef, Xadka sharci ee England iyo Wales waa 35 microgram.

Lloris ayaa seegay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee kooxdiisii ​​iyo wadankiisa, inkastoo uu ku maqnaa dhaawac Boowdada ah oo dhawaan uu kaso laabtay halkii uu ka ciyaari lahaa ayuu cabay khamriga.