Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale saaka ku jarmaaday baaritaan ay ku sameynayaan Xaafadaha gudaha Afgooye iyo hareeraha Magaalada.

Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa qeyb ka ah howlgalka saaka oo sida muuqata ka duwan kii hore.

Saraakiisha amaanka ayaa horay u sheegay in Xaafadda Xaawo Taako ee Degmada Afgooye ay xubno ka tirsan Al-shabaab hub la galeen halkaas oo maalmihii la soo dhaafay uu howlgal ka socday.

Howlgalka saaka ayaa ka socda gudaha iyo banaanka Magaalada,waxaana Ciidamada lagu dhex arkayaa Beeraha ku hareereysan Magaalada iyaga oo dhex lugeynaya.

Ciidamada oo dhex socda Beer Liin dhanaan ah.

Al-shaabab ayaa dhowr jeer weerarro rogaal celis ah ku qaadday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaa kale oo ay ku sameysay weerarro is qarxin ah Saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.