Kulan adag ayaa cwa ayaa ka dhicidoono garoonka Old Trafford kaa oo ka tirsan horyaalka Inriska ee Premier League-ga.

Arsenal ayaa kulanka u soo galaysa in ay sii dheeraysto rikoorkeeda 13 kulan ee guuldaro la,aanta ah ee horyaalka premiier League xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Man United ayaa isha ku haysa in ay gaarto guusheedii ugu horaysay 4 kulan oo ay bilaa guul ahayen horyaalka premier League.

 Kulanka: Man United Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

 Man Utd ayaan laga badinin 11kii kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigooda kula ciyaartay Arsenal, tan iyo markii 1-0 looga badiyay bishii September 2006.

Man United ayaa Arsenal ka badisay 2-dii kualn ee xilli ciyaareedkii hore premier League waxana ay haatan hubin kartaa in ay ka gaarto kulankii 3-aad oo xiriir ah markii ugu horaysay tan ilaa November 2012.

Kulankan ayaa ah kulnkii ugu horeeyay ee ay Man United marti galiso Arsenal bartamaha todobaadka horyaalka premier League tan ilaa 8 bishii May 2002 markaas oo ay Gunners 1-0 uga Badisay Man United.

Arsenal ayaa laga badiyay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay bartamaha todobaadka premier League maalmaha Salaasa,Arbaca ama Khamiis iyaga oo laga dhaliyay 3 gool kulan kasta iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxaha Swansea City, Manchester City & Leicester City.

Safafka Macquulka ah:

 Manchester United: De Gea; Dalot, Smalling, Jones, Shaw; Matic, Herrera; Lingard, Pogba, Martial; Lukaku.

 Arsenal: Leno; Sokratis, Mustafi, Holding; Bellerin, Torreira, Guendouzi, Kolasinac; Ramsey, Aubameyang, Lacazette.