Waxaa caawa dib loo ciyaari doonaa lugtii labaad kulamada 8-dhamaadka tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League-ga.

Kulamada caawa la ciyaari doono kulanka ugu xiisaha badan oo isha lagu haayo waa kulanka ka dhicidoono garoonka kooxda Barcelona ee Nou Camp.

Lugtii kowaad ee ka dhacday garoonka Man United ee Old Trafford ayaa kuso dhamaaday 1-0 oo lagu suuldaaray kooxda United-ka oo garoonkeeda lagu ciyaarayay caawana waa marti waxeyna filayaan in ay kasoo bixikaraan kooxda Barcelona.

Man United oo soo laabasho la yaab leh samaysay kulankii PSG ayaa markan doonaysa in ay Barcelona kaga yaabsato garoonkeeda iskana xaadiriso Semi-finalka tartanka champions league. 

Kulanka: Barcelona Vs Man United.

Tartanka: Champions League.

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaan waligeed guuldaro kala kulmin Man United iyada oo joogta Camp Nou tartamada yurub 2 bar-baro iyo 2 guulood ayay ka gaartay xilli uu kulankii ugu dambeeyay ku dhamaaday 0/0 kaas oo dhaca bishii April 2008.

70% jeer oo hore kooxda Lugta 1-aad ee ay martida tahay champions League ku badisa 1/0 kaliya 4 ka mid ah ayaa laga reebay tartanka taas oo u dhiganta 6% si kasta ha ahaatee laba ka mid ah ayaa dhacay xilli ciyaareedkan iyada oo ay waliba Man United ka mid tahay.

Lugtii hore ee kulankan Man United ayaa ku fashilantay in ay xitaa hal laad ku laagto goolka Barcelona markii ugu horaysay tartanka champions League tan ilaa March 2005.

Barcelona ayaa wareega xiga u gudubtay 39 ka mid ah 41-kii kulan ee ay lugta 1-aad ee ay martida tahay guusha soo gaartay marka laga reebo labada kulan ay la ciyaartay FC Koln oo dhacay 1980/1981 iyo Metz oo ay la ciyaartay 1984/1985.

Safafka Macquulka ah:

Barcelona:

Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Rakitic, Busquets, Arthur; Messi, Suarez, Coutinho.

Man United:

De Gea; Dalot, Lindelof, Smalling, Darmian; McTominay, Fred, Pogba; Rashford, Lukaku, Martial.