Kooxda West Ham United ayaa garoonkeeda London Stadium ku qaabili doonta naadiga Arsenal kulanka ugu soo horeeya ee Horyalka Igiriiska.

West Ham ayaa raadineysa guusheedii ugu horeeysay ee saddex kulan kadib Premier league, Dhanka Arsenal ayaa isha ku haysa in ay gaarto guusheedii labaad oo xiriir ah kulamada London Darby.

Xogta Kulanka:

West Ham Vs Arsnenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30 Galabnimo

Garoonka: London Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaan laga badinin 11 kulan oo Ay West Ham kula ciyaartay garoonkeeda tartamada oo dhan tan ilaa markii ay guuldaro 1-0 ah kala kulmeen horyaalka Premier League bishii November 2006.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shabaqa soo taabtay afartiisii ​​kulan ee ugu danbeysay ee London derbies, isagoo dhaliyay lix gool iyo 2 caawin.

17-kii gool ee ay premier League iska dhaliyeen labada kooxood ayay 15 ka mid ah dhasheen qaybta dambe ee ciyaarta,.

West Ham ayaa guuldarooyina ugu badan ee premier League kala kulantay Arsenal iyada oo kala kulantay 29 guuldaro ahna kooxda ugu badan.