Kooxda reer Ingiriis ee Liverpool ayaa u safartay dalka Serbia halkaas oo kulan xiisa badan kana tirsan wareega gurubyada ee Tartanka Champions League ay kula qaadan doonoto kooxda Red Star Belgrade.

Xogta Kulanka:

Red Star Belgrade vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 8:55 Fiidnimo

Garoonka: Stadion Rajko Mitic

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Red Star Belgrade ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ay la ciyaareen Liverpool tartamada yurub, hase yeeshee waxaa laga badiyay kulankii ugu dambeeyay (0-4 garoonka Anfield).

Kulankan ayaa noqon doona madkii ugu horeeyay ee ay Liverpool booqato Red Star Belgrade tartan yurub ah tan iyo October 1973, markaasoo 2-1 looga badiyay lugta koowaad ee wareega 16-ka koobka European Cup.

Liverpool ayaa laga badiyay kaliya hal kualn 11kii kulan ee ugu dambeysay ee Champions League wareega Group-yada iyaga oo dhaliyay 33 gool kulamadaas.

Reds ayaa dhalisay 48 gool tartanka champions League xilli ciyaareedkii hore iyaga oo ciyaaray 16 kulan waana kooxda ugu badan goolalkaas dhalisa tartanka.