Kooxda Manchester City ayaa gurigeeda ku qaabili doonta naadiga Chelsea Ciyaarta ugu adag Horyaalka Ingiriiska Todobaadkan.

City oo kaalinta labaad kaga jirta kala sareynta Tartankan ayaa dooneysa in ay kusoo laabato hogaanka horyaalka oo hada ay Liverpool hayso.

Dhanka Kale, Blues ayaa isha ku haysa in ay soo ceshato booska 4aad ee kala sareynta Tartanka oo hada Man United ay ku fadhido.

XOGTA CIYAARTA:

Man City vs Chelsea

Waqtiga: 07:00 Fiidnimo

Garoonka: Etihad Stadium

Garsoore: Mike Dean (England)

TAARIIKHAHA CIYAARTA:

Kooxda Man City ayaa dhigi karta Rikoor premier League ah oo ah in ay ugu yaraan 2 gool dhaliso 15 kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda waxa ay haatan la bar-baro tahay Liverpool oo rikoodhkaas dhigtay 2013/14.

Chelsea ayaan 7 kulan oo xiriir ah oo premier League ah guuldaro kala kulmin kooxda difaacanaysa premier League waxana ay noqon kartaa kooxda 3-aad ee kaliya 4 kulan ka badisay koox difaacanaysa horyaalka iyada oo ka dambayn doonta Liverpool & Man City.

Pep Guardiola ayaa 3 guuldaro oo horyaalka ah kala kulmay kooxda Chelsea waana koox ka badan kooxihii uu ka hor tahay intii uu tababaraha ahaa.

Blues oo qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan premier League garaacay Man City ayaa 10 jeer laba kulan ka badisay City premier League waana kooxda ugu badan ee ay sidaas ku samaysay.