Kooxda Brighton & Hove Albion ayaa garoonkeeda kusoo dhaweyn doonto Hogaamiyaasha horyaalka Ingiriiska ee Liverpool.

Reds ayaa dooneysa in ay kasoo kabato guuldaroyinkii ugu dambeeyay ee soo gaaray labadii kulan ee lasoo dhaafay, waxayna isha ku hayaan in ay kusoo laabtaan wadada guusha.

Xogta Kulanka:

Brighton Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Amex Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tababaraha Brighton ee Chris Hughton ayaa raadinaya dhibicdiisii ugu horaysay ee isaga oo tababare ah uu ka helo Liverpool kadib 7 jeer oo isku dayay.

Reds ayaa badisay 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay ciyaartay 6 galabnimo sabtida iyada oo 7 ka mid ah kulamadaas ay ugu yaraan dhalisay 3 gool.

Liverpool ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Brighton heerka 1-aad halka ay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Brighton laga dhaliyay 15 gool iyada oo 16 ka mid ah ay dhalisay Liverpool.