Joram van Klaveren

Dalka Holland siyaasi aad u necbaan jiray dadka Muslimiinta ah kana mid ahaa Xisbiga midigta fog ee dalka Holland ayaa hadda qaatay Diinta Islaamka.

Siyaasigan oo lagu magacaabo Joram van Klaveren, ayaa sheegay in uu Islaamka qaatay markii uu wax badan ka ogaaday Islaamka isaga oo Buug ka qorayay arrimaha Islaamka.

Intii uu ka midka ahaa Xisbiga PVV,hadallada lagu xusuusto waxaa ka mid ahaa “Islaamku waa been, Qur’aankuna waa sun”,  laakiin Buuggii uu ka qorayay arrimaha Islaamka ayuu Alle ugu daray Hanuunka ,shalay oo Isniin ahayd ayuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu qaatay Islaamnimada Hanuunkana haleeyay.

Van Klaveren, isaga oo wareysi bixinayay ayaa la weydiiyay in uu ka shallaayayo hadalladii qallafsanaa ee ka dhanka ahaa Islaamka waxaanu yiri “ haa, Xisbiga PVV aragtidiisa oo dhan ayaa qaldaneyd,siyaasaddiisa ayaana sidaa ahayd”.

Waa siyaasigii 2aad ee Xisbiga neceb Muslimiinta ka mid ah oo diinta Islaamka qaata,horay waxaa sidan oo kale u Islaamay Arnoud van Doorn, oo ay isku xisbi ahaayee.

Arnoud van Doorn, ayaa u hambalyeeyay Saaxiibkiisii hore haddana noqday walaalkiisa dhabta ah,waxaana uu ku bogaadiyay go’aanka uu qaatay.