War-saxaafadeed ka soo baxay Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa looga soo horjeestay qodobadii ka soo baxay shirkii arrimaha gargaarka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Qoraalka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay intii uu socday shirka looga hadlayay abaaraha iyo gargaarka ay isku dayeen in si caddaalad ah wax loo qeybsado laakiin wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ay iska indhatirtay sidaas darteedna Hirshabeelle qaadacday qodobada ka soo baxay shirkii labada maalmood ka socday Muqdisho.