Soosaarista iyo meelmarinta xeerka mihnadalayaasha caafimaadku waa mi dkamid ah shaqooyinka ugu muhiimsan uguna baahida badan ee laga sugayo Baarlamaanka Federaalka oo maanta kakooban laba gole, taas oo macnaheedu yahay in hindisidda iyo howsha xeer-sameyntu mari doonto hannaanka xeer-dejinta labada gole.

Bishii Sep-2017, ayaa wasaaradda caafimaadku uu dirtay golaha shacabka, waxa uu kujiraa hadda marxaladda guddiga qaabilsan oo kashaqeynaya in xeerkani  maro aqrinta 1aad, 2aad & 3aad, waxa kale oo uu xeerka mihnadlayaasha caafimaadku tegi doonaa kaddib marka uu maro golaha shacabka aqalka odayaasha oo ay suuragal tahay in uu wax kudaro kabeddelo ama wax ka saaro.

Muhiimadda xeerka mihnadalayaasha caafimaadka

Waxa uu xeerkani taabanayaa nolosha  iyo caafimaadka dadweynaha oo muhiimad gaar ah u leh dowladda iyo dalkaba, waxaana suuragal ah in uu la kulmo caqabado waaweyn iyo dib u dhac inta uu kujiro heerarka kaladuwan ee aqrinta.

Waxa jira dalka Isbitaalo iyo xarumo caafimaad oo si gaar ah loo leeyahay kuwaas oo lagayaabo in soo bixidda xeerkani uu saameyn kuyeesho howlahoda shaqo, sida in uu xakameeyo, joojiyo ama mamnuuco shaqada isbitaalada gaarka ah qaarkood, waxa kujira ganaax  xarig iyo lacag isugu jira, kaas oo ay kulmi karaan mihnadlayaasha caafimaadka iyo dadka aan xirfadda lahayn balse kujira ganacsiga caafimaadka ama kuwa kushaqeeya xirfadda caafimaadka iyaga oo aan tababar iyo shahaado midna haysan.

Waxa uu xeerkani dhigayaa in xarumaha caafimaadka ee hadda jira kuwa gaarka ah iyo kuwa dowladdu leedahay labadaba haddii ay soo baxdo in aanay lahyan xirfad iyo aqoon ay ku ahaan Karin xarun caafimaad waxa suuragal ah in gebi ahaanba la xiro, baaritaankaas waxa fulinaya quburo caafimaad oo uu golaha mihlayaasha caafimaadku soo xusho si ay howshaas u qabtaan.

Marka laga tago goobaha caafimaadka iyo isbitaalada waxaa uu xeerkani saameynayaa xarumaha waxbarashada caafimaadka oo ay ku jiraan jaamacadaha iyo iskuulada gaarka ah, sidaas oo kalana waxa uu saameynyaa barnaamijyada caafimaadka ee muddada kooban socda.

Xeerka ayaa saameynaya mihlayaasha caafimaadka ee shisheeye, kuwaas oo uu farayo in ay shahaadooyinkoodu ay yihiin kuwo ay aqoonsan tahay wasaaradda tacliinta sare ee waddamada ay kasoo jeedaan iyo safaaradda Soomaaliya ee waddamadaas, kaddibna waa in shahaadadaasi ay aqoonsi kahesho wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya  ayna markooda hore kusoo baxaan Afafka Ingiriiska iyo carabiga

Haddii ay jiraan Shahaadooyin kale oo lagu bixiyey afaf aan ahayn Carabi iyo English waxa uu waajib kadhigayaa in loo turjumo Carabi ama Ingiriis kaddibna la waafajiyo shuruudaha xeerka mihlayaasha caafimaadka.

Xeerka mihlayaasha caafimaadku waxa kale oo uu xadeynayaa suuqgeynta iyo xayeysiiska loo sameeyo adeegyada caafimaad ee been abuurka ah ama aanay is waafaqsnayan waxa la suuqgeynayo iyo waxa dhab ahaan kujira adeggaas.

Tusaale ahaan  Been, dhagar ama u eg marin-habaabin iyo Bixinta hadiyo, qiimo-dhimis ama ka dhaadhicin lagu soo jiidanayo qof si uu u isticmaalo adeegga caafimaad.

Arrinta kale ee Muhiimka ah waa in aan qofna sheegan Karin horgale magac oo muujinaya derajo caafimaad oo uusan aqoonteed iyo tababarkeed lahayn  sida Dhaqtar, Kalkaaliye, Kalkaaliye sare iyo horgale macag oo kale oo la xiriira caafimaad balse aan qofka adeegsanayaa lahayn aqoonta uu ka turjumayo horgalahaasi.

Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Cafimadka

WQ: Axme C. Guutaale

Dersa Sharciga & Qaanuunka