Wargeyska Washinton Post ee ka soo baxa Dalka Mareykanka ayaa baahiyay sheeko ku saabsan in Wariye Jamaal Khashoggi uu qabay xaas kale.

Haweeneydan oo diidday magaceeda oo dhameystiran ayaa Wargeyska Washington Post la wadaagtay Sawirro iyo qoraalo ay is dhaafsadeen Jamaal markii ay is guursadeen ka hor.

Waxaa ay sheegtay in magaceeda Rasmiga ah u qarineyso amaanka nafteeda iyo shaqada ay hadda heysato.

Waxaa ay wareysi siisay Washington Post waxaana ay ku sheegtay in guurkooda oo qarsoodi ahaa ka dhacay Goob diimeed Bishii June ee la soo dhaafay.

Haweenydan oo magaceeda ku soo koobtay H. Atr, ayaa sheegtay in sababta hadda ay u shaacisay guurkan uu yahay in aysan weyn xuquuqda ay leedahay.

Gabadhii uu doonayay Jamaal  Khashoggi in uu guursado ee u dhalatay Turkiga Khadiija Cengiz, ayaa la weydiiyay in ay arrintan ka warqabto kaddib markii Taleefan ay kula hadashay Washington Post.

Cengiz, oo arrintaas ka jawaabeysay ayaa tiri “waa maxay sababta ay u dooneyso in ay u beddesho sawirka ay dadka ka heystaan Jamaal, maxey dooneysaa?, waan ka shakiyay,waxaa ay dooneysaa in ay meel uga dhacdo wixii uu aaminsanaa”.

Haddii guurkaasi sax noqdo H Atr waxaa ay xaq u yeelaneysaa qeyb ka mid ah Magdhowga ay Dowladda Sucuudiga ka bixineyso dilka Jamaal.

Image may contain: 2 people, people smiling, close-up

Image may contain: 1 person, smiling, indoor

Image may contain: 1 person, smiling, standing