Haweeney u dhalatay Dalka Germany ayaa midabkeeda cad u beddeshay Madoow iyada oo dooneysa in ay dhasho Ilmo Madoow ah.

Martina Big, oo ah Haweeneyda midabkeeda beddeshay ayaa waxaa ay u dhaxday Nin Cad,waxaana ay dooneysaa in ay isu dhalaan Ubad madoow ah.

Michael iyo xaaskiisa Martina

Muddo ayey Kenya joogtay,waxaa la siiyay Magac Sawaaxili ah,waxaana ay dooneysaa in ay barato dhaqamada dadka Afrikaanka ah.

Waxaa ay sheegtay dhaqaatiirteeda ay u sheegeen in ay dhici karto in ay dhasho Ilmo Madoow iyada iyo Odaygeeda oo caddaan ah.

Martina iyo Odaygeeda Michael oo fadhiya.

Si ay u beddesho midabkeeda waxaa ay is durtay Irbadda melanin, waxaa ay sidoo kale sheegtay in ay nuujineyso carruurteeda iyada oo madow,maaddaama Naasaha laftooda ay durtay isbeddelna ku sameysay.