Marjorie Grayson, oo 83 jir ah ayaa saaka oo Sabti ah lagu wadaa in ay ka soo muuqato Maxkamadda Magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska kaddib markii ay Middi ku dishay Ninkeeda oo 85 jir ahaa.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabayay Alan, waxaana u dhaxday Xaaska uu gacanteeda ku geeriyooday.

Alan Grayson, oo 85 jir ahaa ayaa u geeriyooday dhaawacyo Middi ah,waxaana Dhaqaatiirka ku fashilmeen in ay badbaadiyaan.

Taliyaha Booliska Magaalada ee falkan ku baxay Simon Palmer,ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid qoyska dhexdooda ah islamarkaana aan loo baahneyn in baraha bulshada lagu buun buuniyo.

Lamaanahan ayaa leh Labo Wiil iyo Carruur ay sii dhaleen,waxaana dadka deriskooda ah ay ku tilmaameen lamaane is jeclaa muddana wada noolaa oo xaafadda caan ka ahaa.

Dadka degaanka ayey layaab ku noqotay falka ay ku kacday Haweeneydan,waxaana socda baaritaanka.

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article13248135.ece/ALTERNATES/s615/

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article13248130.ece/ALTERNATES/s615b/

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article13248134.ece/ALTERNATES/s615b/

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article13248133.ece/ALTERNATES/s615b/

https://i2-prod.mirror.co.uk/incoming/article13248131.ece/ALTERNATES/s615b/

Isha: Mirror.co.uk