Dhaliyaha kooxda Tottenham iyo xulka Englan ayaa lagu soo waramayaa in suuragal ay tahay inuu mudo fog garoomada ka maqnaado kadib dhaawicii adkaa ee xalay soo gaaray.

Xidigan ayaa dhaawacmay kulankii xalay kooxdiisa ay garaacday dhigeeda Man City kulan ka tirsanaa lugta kowaad ee wareega 8-da tartanka Champions League-ga.

Wargeyska The Sun ayaa ku waramaya in ay macquul tahay in laacibka aan garoomada lagu arkin inta ka dhiman xili ciyaaredkan kadib markii la sheegay in dhaawiciisa uu yahay mid aad u culus.