Midig: Maxamed Bin Zayed, Bidix: Donal J. Trump

Caado iyo dhaqan siyaasadeed oo caan ah ma aha in wasiirada arrimaha dibaddu ay iska siibaan hugga diblomaasiyeed oo xitaa hareeya fadhiyadooda ay albaabadu u xiran yihiin, balse wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Jibuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa go’aansaday in uu iska dhigo dharka diblomaasiyadda dhammaanti markii uu qorayey xaashi uu u diray danjirayaasha Jibuuti bishii July-2018, warqadda wasiirku waxa ay kusaabsanayd isu soo dhowaanshaha degdegga ah ee labada dowladood ee deriska ah Itoobiya iyo Erateriya.

Midig: Maxamuud Cali Yuusuf, Bidix: Abiy Axmed Cali (Sawirka Aljazeera)

Billowgii isbeddelka kudhacay qaabdhismeedka xiriirka caalamiga ah ee geeska Afrika (Geopolitics)  waxa muuqday in Jamhuuriyadda Jabuuti ay sas iyo welwel ballaaran kaqabtay isu soo dhowaanshaha Itoobiya iyo Erateriya, waxaana jira sababo la fahmi karo oo keenay walaaca Jabuuti ee xiriirka cusub ee Itoobiya iyo Erateriya, sidaas awgeed wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti ayaa doortay in uu welwelka xukuumaddiisa kumuujiyo weero iyo ereyo toos ah isaga oo aan adeegsan waxyar oo ah dhaqanka iyo caadada hugga-diblomaasiyadda.

Maxamuud Cali Yuusuf wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Jibuuti waxa uu kutilmaamay[1] raisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali in uu yahay “Nin degdeg badan oo habowsan”, islamarkaana u adeegsanaya heerka uu taagan yahay dalkiisu oo ah xubin aan joogto ahayn oo katirsan golaha Ammaanka sida in uu dammaanad qaadi karo qaadidda cunaqabateynta saaran Erateriya, isaga oo aan ka fakarin saameynta ay tallaabadaasi ku yeelan karto Jabuuti, oo ah wadaayga ugu muhiimsan ee ay Itoobiya lahayd muddo kudhow 20 sano oo la soo dhaafay.

Eriteriya muddo dheer waxa looga yiqiin fagaarayaasha diblomaasiyadda geeska Afrika in ay tahay Kuuriyada Waqooyi ee Afrika, waana waddan lagu tilmaami karo illaa waqti dhow in uu yahay cadowga dhammaan muran la’aan[2], kaddib khilaaf iyo hardan daba dheeraaday oo ay Erateriya lagagashay Itoobiya kahor iyo kaddib madaxbannaanideeda horraantii sagaashamaadkii ayaa sababay in ay deriskeeda Itoobiya kago’da iyada oo Itoobiya kadhigtay waddan xiran oo aan lahayn Bad.

Mar kale Erateriya waxa ay kulug yeelatay horraantii 2000 muran-xuddeedeed dhexmaray iyada iyo deriskeeda Jabuuti, kaddib markii ciidanka Erateriya uu awoodiisa kufidiyey Jasiiradda Doumeira, una gudbay gudaha xadka Jabuuti, tallaabadaas ayaa dhalisay dagaallo kooban oo dhexmaray labada dal iyo dhibaato aan weli xal laga gaarin marka lagareebo faragelintii Qatar oo sameysay dhexdexaadintii labada waddan, taas oo ay labada waddan ku saxiixdeen heshiis dhigayey in ciidan kasocda Qatar lagu fidiyo xadduuda u dhexeysa labada waddan.

Laga soo billaabo dhaqangalkii heshiiskaas Erateriya waxa ay taageero iyo gabbaad siisay mucaaradka Jabuuti, waxaana ugu caansan fallaagada ay Erateriya taageertay si ay Jabuuti u qalqalgelis koox hubeysan oo looyaqaan Ciidanka Cabsida.

Colaaddii dhexmartay Itoobiya iyo Erateriya iyo dhibaato taariikhi ah oo dhex tiil labada dal kaddib go’iddii Erateriya ayaa ku qasbay Itoobiya in ay qaadato go’aan cagajiid oo ay iskaashi iyo dano isdhaafsi kula yeelaneyso deriskeeda Jabuuti, iyada oo la saxiixatay Jabuuti isfaham kusaabsan dhinaca iskaashiga ciidanka sanadkii 1999-kii, iyada oo illaa xilligaas noqotay meesha keli ah ee Itoobiya uga furan dhinaca badda, sidaas awgeed Adisababa waxa ay kala soo degeysay Dekedda Jabuuti 95% dhammaan badeecada iyo qalabka uga yimaada dibadda iyada oo Jabuutina isticmaaleysay Korontada ama Layrka iyo Biyo macaan oo ka imaanayey Itoobiya.

Xiriirka isdhaafsiga danaha iyo iskutiirsanaanta labada dal ayaa sidaas ahaa muddo labaatameeye sano ah, waxaana daboolayey xaqiiqooyinka yiil deegaanka iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee kataagnaa geeska Afrika, iyadaa oo ay iskutiirsanaanta iyo dano isdhaafsiga Itoobiya iyo Jabuuti ay udub dhaxaad u ahaayeen xiriiradii xumaa ee u dhexeeyey Adisababa, Erateriya iyo Soomaaliya, waana xiriir xumo xoojisay in meesha ay ku taal Jabuuti noqoto isha keli ah ee ay Itoobiya kaheli karto marin ku xira badda kahor intii uusan iman Abiy Axmed talada Itoobiya heshiisna la gelin Erateriya iyo Soomaaliya.

Furfuridda siyaasadda Itoobiya iyo isbeddelka xiriirka dibadda ee ka dhacay Itoobiya ayaa sababay in ay dhinac kale isrogaan halbeegyadii arrimaha siyaasadda geeska Afrika, waana isbeddel aan Jabuuti u arag in uu yahay mid uu hogaaminayo Abiy Axmed keligi, balse waxa ay u aragtaa in ay jirto awood-goboleed gadaal ka tagaan dadaalka dib u qaabeynta isbaheysiyada gobolka geeska Afrika, taas oo si u cuntanta danaheeda u jiheyneysa dib u qaabeynta isbaheysiyada gobolka, awooddaasi waa dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Afawerki, Maxamed Bin Zayed iyo Abiy Axmed

Sidaas awgeed xaashida wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti waxa ay Imaaraadka kala dul dhacday carada iyo welwelka ay xambaarsanayd, taas oo jebisay dhammaan qaacidooyinka diblomaasiyadda, waxa uu wasiirku kudadaalay in si cad welwelkiisa ugu sheego faragelinta Imaaraadka ee dib u dhiska qaabdhismeedka xiriirka geeska Afrika, isaga oo kusheegay dowladda Imaaraadka in ay tahay garabka Milateriga ah iyo dhaqaalaha ee maamulka cusub ee Mareykanka

Kor u kaca & hoos u dhaca Jabuuti

Jabuuti waa dowlad aan lahayn Webiyaal, sidaas awgeed waxa maqan awoodda waraabka beeraha iyo waxbeerashada, sidaas oo kalana waa waddan sabool ah, Jamhuuriyadda Jabuuti wax la sheego sooma saarto, sidaas daraadeed dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah kaalin weyn ugama jirto, meesha ay ku taal Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah dhul howlbowle ah ayaa ah isha dhaqaale ee ugu muhiimsan, waxa ayna Jabuuti haysaa furaha kadinka ama Iridka koofureed ee badda cas iyo marinka Suweys, waana mid kamid ah marinada ugu muhiimsan ee ay maraan badeecooyinka u kala socda adduunka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle

Waxa kale oo muhiim ah in Juquraafi ahaan Jabuuti kutaal meel aad muhiim u ah oo u dhow marinka Baabul mandab kaas oo 8-10% uu maro ganacsiga caalamiga ah ee shidaalka, waxaana mara dekedda Jabuuti 20 kun (Labaatan kun oo doomood) sanadkii iyada oo ay jiraan dekedo waaweyn oo tartan kula jira Jabuuti sida Berbera oo Soomaaliya ah, Casa boo Erateriya ah iyo Port Suudaan oo Suudaan ah, balse maalgelinta Jabuuti ku sameysan dekedo hormarsan iyo degenaanshaha siyaasadeed ee waddanku haysto muddo dheer ayaa sababay soo jiidasho fiican oo maalgelineed marka la garabdhigo dekedaha la tartamaya ee gobolka.

Dadaalkii Erateriya ee Wadaaynimada Mareykanka

Inta ay Jabuuti kujirtay dadaalka sameynta saaxiibada iyo horumarinta maagashiga Erateriyana waxa ay wadday dadaal lamid ah oo ay ku doneysay in ay sameyso saaxiibo iyo isbaheyso ay ku tiirsanaato haddii ay u baaahato, sidaas daraadeed madaxweyne Isaias Afwerki waxa si xooggan u xiiseynayey in uu kudhowaada Washington, waxa uu maalgeliyey shaqaaleysiinta olole cadaadis lagu saarayey maamulka Mareykanka si uu u beddelo siyaasadiisa ku wajahan Erateriya, waxa uu madaxweyne Afwerki adeegsaday shirkadda qareenada Greenberg Traurig oo xilligaas xiriir la lahayd xildhibaan hore Thomas Dale DeLay oo ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka hoose ee xisbiga Jamhuuriga si loo dardargeliyo dadaal ay Erateriya ku dooneysay in ay martigeliso saldhig Milateri oo Mareykanku leeyahay, waxa howshaasi socotay xilligii uu Mareykanku waday diyaarinta dagaalkii Ciraaq.

Madaxweynaha Erateriya Isaias Afwerki

Afawerki kuma guuleysan shukaansigiisii siyaasadeed ee martigelinta saldhig ciidan oo Mareykan ah, siyaasaddii Washington ee kuwjahanayd Erateriyana waxa ay gaartay meeshii ugu hooseysay iyada oo Washington go’aansatay in ay iska xoorto Ereteriya, balse waxa ay arrintu sii dhabaqday sanadkii 2009 markii danjiraddii Mareykanka ee QM Susan Elizabeth Rice ay ku guuleysatay in ay kuqanciso golaha ammaanka in Erateriya la saaro cunaqabateyn iyada oo la daliishanayo in Erateriya taageerto waxa looguyeero argagixisada Soomaaliya, go’aankaas waxa bilo kahor ka aamusay maamulka Mareykanka, waana xilligii uu billowday horumarka xiriirka Mareykanka iyo Jabuuti iyada oo ay jirtay cabsi Mareykanku ka qabay isfidinta Shiinaha eek u adaneysay Qaaradda Afrika.

[1]https://www.africaintelligence.com/ion/alert-ion/2018/07/19/creeping-paranoia-in-djiboutian-diplomatic-circles,108317736-art

[2] – Africa Intelligence, https://www.africaintelligence.com/

Warbixita Hardanka Geeska oo maqal ah

      Hardanka Geeska 1

___________________________________________________________________
Isha: Aljazeera.net
Maqaalkan waxaa Qoray Maxamed Siciid oo ah qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed.
Waxaa Soomaaliyey qayb ahaan Axmed Ciise Guutaale

Mustaqbal Radio