Guddoomiyaha Sharikadda Sushi ee Dalka Japan Kiyoshi Kimura  ayaa lacag xad dhaaf ah ku iibsaday hal xabbo oo Kalluun nooca Tuunada loo yaqaanno ah.

Ninkan ayaa markii labaad Rikoor cusub ka dhigay iibsiga Boqorka kalluunnada ee Tuna,waxaana  2013kii uu iibsaday hal Kalluun oo Tuna ah oo uu ka bixiyay $1.4 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Kalluunka laga bixiyay $3.1Milyan ee dollar sanadkan 2019ka billowgiisii ayaa culeyskiisa wacaa uu gaarayaa 278kg

Xilliyada kale ee Caadiga ah kalluunka culeyskaas leh waxaa uu qiimahiisu yahay ama lagu helayaa $60,000. (Lixdan Kun oo dollar).

Maamulaha Shushi , ayaa Kalluunkan iibsaday billowgii sanadkan habeenkii kala wareegga ee 2018/2019, waxaana uu sidaas ku galay Kalluunka ugu qaalisan ee mar kaliya lacag intaas la eg laga bixiyo.