Guurso qof aad isfahmeysaan, iskana jir laablakaca iyo Qiirada

Nabi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariis dushiisa Allaha yeelee waxa uu Kow ka yahay dadka adduunka ugu saameynta badan, kaddib 1400 oo sano ayaa Risaaladii uu rabbi u soo dhiibay waxa ay ku  jirtaa faafid hor leh iyo in ay gaarto dad cusub, dadka qaatay Islaamku waxa ay u badan yihiin dad ku qancay oo doortay in ay muslimiin noqdaan iyada oo aan lagu qasbin lana qabsan, sidaas waxa qaba iskuna raacsan aqoon yahanka cilmiga bulshada ee maanta jira oo u badan reer galbeed iyo Yuhuud.

Maalmihii ugu horreeyey ee loo soo diray Malagga macalinka u ahaa ee Jibriil cs waxa uu la kulmay Nabigu dhib weyn iyo xannuun balse waxa uu helay garab iyo gaashaan dhinac istaagay

Waa xaaskiisii minweynta ahayd ee Khadiija Khuwylid Asad, oo talo iyo tabar wixii ay haysay isugu geysay in ay garab istaagto, u laab qaboojiso, una raadiso aqoon iyo indheergarad ay tol ahaayeen oo laga wareysto waxa ay diimihii hore ka sheegeen Arrintan.

Risaaladii Nabi Muxamed  csw waa guuleysatay, Khadiijana waxa ay kamid ahayd sababihii rabbi u sahlay in ay qayb ka qaataan taageerada guusha Risaalada Nabi Muxamad Cs.

Markii Khadiijo geeriyootay nabi Muxamed aad ayuu u murgay, waxa uu gaaray in haddii guryaha Nabiga wax lagu qalo loo hadiyeeyo saaxiibadii Khadiijo, xaasaskii ka dambeeyana ay mararka qaar kohsadaan xuska iyo sheegsheega Khadiijo oo geeriyootay, sababta uu Nabigu sidaas ugu weyneeyey Khadiijana waxa  ahayd in ay kaalin libaax ku lahayd in diinta Islaamku tis qaaddo.

Si  kale Nabi Nuux cs iyo Nabi Luud cs Dadkii loo diray in ay Risaalada gaarsiiyaan waa la halaagay!, kuwo dhulka ayaa lala rogay kuwana Cirka iyo dhulka  ayaa roobab mahiigaan ah looga wada keenay mar qura, sidaas awgeed dhammaan waa dabargo’een marka laga reebo  tiro yar oo raacday nabiyada aqbashayna Risaalada.

Xaasaska labadaas Nabi waxa ay ahaayeen kuwo inkaar qaba oo baddu soo tuftay, waxa ay kaqayb qaadan jireen dhibka iyo hagardaamada ay dadku u geysanayeen Nabi Nuux iyo Nabi Luud sidaas awgeed waxa ay qayb weyn ku lahaayeen dhibaatadii dhacday iyo in Risaalada Nabiyadu dhibaato la kulanto.

Haddii aad maqaalkaan aqrineyso isweydii xaaskaaguu kaalin intee la eg ayay ku leedahay guushaada iyo guul-darradaada, Dhaqaalahaaga iyo Aqool xumadaada?

Waxa jira halhays iyo maahmaah Soomaaliyeed oo leh:

Ninkii kaa Rati wanaagsan maalin kuma gaartid, Ninkii kaa faras wanaagsanna bil kuma gaartid, Ninkii kaa xaas wanaagsan weligaa ma gaartid

Maahmaahdaasi sideeda ayay sax ku tahay marka la garabdhigo tusaalayaasha sare.

Waxa jira rag xaasas wanaagsan leh balse iyagu ah xarig lama sitaan iyo saxal ay ummaddu la yaaban tahay sida loo hayo ee loo dhaqo ilmana loogu dhalo.

Waxa jira rag wanaagsan oo xaasaskoodu ay yihiin kuwo dhaqan xumo dilootay oo dhegxumo u joog ahaa muddo dheer, raggaasi waa deriskaaga iyo saaxiibadaada, waxa laga daweeyaa Dhiig kar (Blood pressure) Sokor ama macaan (diabetic) qaarkoodna waa hore ayay u dhinteen.

Xaasaskaasi waxa ay ku dhaqmaan Qaaciddada kala dishay rag badan iyo dumarkoodii, ilmo badanna badday in ay dibjir iyo Burcad noqdaan! waa maahmaahda halista ah ee

“Nin iyo xaaski col ma aha nabadna ma ah” bal isweydii waxa ay yihiin!

Waxa ay nolosha ka yaqaanaan midda dagaalka iyo Rabshada badan, xikmadahana kuwa fowadada sida “silic kunool soddon guursataa dhaanta, Haddii la I furo ma feerbaa iga jebeysa iyo Nimanku waa nacab aan korino oo naaskeena nuuga oo nabad lama wadaagno.

Axmed Ciise Guutaale