Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in uu qaban doono doorashada boos buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo deegaan doorashadooda tahay Koofur Galbeed.

Doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa lagu qabanayaa Magaalada Baydhabo, iyada oo Guddigu ku wargeliyay musharaxiinta u tartameyso labada Kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14-ka bishan April oo maanta ah, kuna eg 21-April ee sanadka 2019-ka.

Kuraasta la buuxinayo ee banaan waxaa baneeyay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed “ Lafta gareen” iyo Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle “ Kornel Ruush” oo Muqdisho ku dhintay 30-kii December 2018.

Sidoo kale, Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa ku wargeliyay musharaxiintii horay isugu diiwaan-gelisay Kursigii uu baneeyay Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Xuseen in la qabanayo doorashada Kursigaasi.

Xuseen ayaa iska casilay xildhibaanimada 2018, kolkaas waxa uu u tartamayay Madaxweynaha Koofur Galbeed, guddigii doorashada ayaa shuruud ugu dhigay Musharixiinta in ay baneeyaan xilka ay hayaan si loo diiwaangeliyo.

Hoos ka aqriso Warqadda kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka:

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/s2048x2048/